SHARE

Dabley hubaysan ayaa deegaanka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen laba nin oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay goob maqaayad ah oo ay fadhiyeen ragga la dilay oo xilligaasi wax hub ah aanan wadan, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada.

Labada askari ee la dilay ayaa loogu galay maqaayadii ay fadhiyeen, kadibna waxaa la huwiyay rasaas, iyadoo raggii hubaysnaa ay ka dhaqaaqeen goobtii ay ku dileen labada Askari.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha uga warantay sida uu ku dhacay dilka.

“Walaal xalay habeen naxdin badan ayay ii aheyd, xilliga uu dilka dhacayay waxaa Da’ayay Roob, mar qura ayaan maqalnay Rasaas kadib banaanka ayaan u soo baxay, waxaan arkayay laba nin oo ordaya, aniga ayay xitaa rasaas igu sooi rideen, waana ka cararay, waxayna dileen laba Askari.” Ayay tiri gabar dadka degaanka ka tirsan.

Ciidan hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa tagay goobta waxayna qaadeen Meydadka raggii la dilay, si baaritaano loogu sameeyo, intaasi kadibna loo aaso.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay labada Askari ee la dilay in lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cali Baashi iyo Cabdi Dhagool oo si weyn looga garanayo deegaanka, gaar ahaan Maxamed Cali Baashi wuxuu ka tiranaa Ciidanka Canshuurta.

LEAVE A REPLY