SHARE

Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu geystay Nin ku labisnaa dareeska ciidamada Dowladda Soomaaliya kadibna uu goobta isaga baxsaday sida dad Goob joogayal ah ay warbaahinta  u sheegeen kuwaas oo goob jog ka ahaa halka uu dilka ka dhacay

Askariga dilka geystay ayaa ka soo baxay dukaan uu alaab ka soo iibsaday,isla markaana gabadha ay iyana ka soo baxday mid ka mid ah Hotelada ku yaalla Liido uu la hadlay balse ay ka dhega adeegtay taasi oo keentay in uu rasaas ku furo isla goobtiina ay ku geeriyooto.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa sababay dilka Gabadhaas,iyada oo Booliska degmada Cabdul Casiis ay baadi goob ugu jiraan in ay Gacanta ku soo dhigaan ninkii ka dambeeyay dilkaas.

Wararka qaar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Gabadha ninka dilay uu yahay walaalkeed.

LEAVE A REPLY