SHARE

Inta badan dadkii kunoolaa Magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa barakacay ka dib markii Fatahaad xooggan ay ku dhufatay Magaalada.

Dadkii kunoolaa Xaafadaha kala ah Xaawo-Taako ,Kooshin iyo qeybo ka mid ah xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne ayaa barakacay Saacaddihii lasoo dhaafay.

Kumanaan qoys oo ka barakcay Fatahaadda ayaa ku sugan duleedka Magaalada Baledweyne , halkaasi oo ay ku heysato xaalad nolol xumo.

Dadka Caafimaadka Bartay ayaa sheegaya in Fatahaadda biyaha Webiga laga baqdin qabo in ay ka dhashaan cudurrada faafa oo ay ka midka yihiin Shuban-biyoodka.

LEAVE A REPLY