SHARE

Ilo xog ogaal ah ayaa Dhacdo.com u sheegay in xerada General Gordan oo ay ku jiraan Ciidanka Imaaraadka uu tababaray lagala baxay ilaa Shan sarkaal.

Ciidan si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya ayaa gudaha u galay xerada, waxayna ka kaxeysteen Shan Sarkaal oo ka tirsan kuwa Imaaraadka uu tababaray.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa si hoose inoogu sheegay ragga lala baxay in lagu kala magacaabo Cali Maxamed, Qaasim Ibraahim, Maxamuud, Xuseen iyo Qoorey.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga halka loola dhaqaaqay raggan, iyo cida bixisay amarka saraakiishan lagu kaxeystay, waxaana dansan dhammaan telefoonadii ay wateen, sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah.

“Marqura ayaa xerada waxaa soo galay gawaarida ay wataan Ciidanka NISA, kadib waxaan dareenay cabsi, qorshaha wuxuu ahaa mid bartilmaameed ah, ilaa Shan Sarkaal ayaa xerada lagala baxay, wallaahi magaraneyno halka loola dhaqaaqay, qaarkood sawiradooda ayaan haynaa.” Ayuu yiri Askari ka tirsan Ciidanka Imaaraadka uu tababaray oo inoo waramay.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan ragga Gen. Gordan lagala baxay in lagu tuhmaayo abaabulka iyo qorshaha iska hor imaadkii ka dhacay xerada, waxna laga weydiinayo arrimahaasi.

LEAVE A REPLY