SHARE
Maple leaf flag flying in the wind

Dawladda Canada ayaa ugu deeqdey Soomaaliya lacag gargaar ah oo wadarteedu dhan tahay 18 Million oo dollar, oo loogu tala galay dadka abaarta iyo roobabku saameeyeen ee danyarta ah.

Lacgatan ayaa waxaa loogu talo galay sidii deg deg wax looga qaban lahaa, xaaladaha dhanka Bini’aadinimada ah ee Somaliya ka taagan.

Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka Canada Axmed Xuseena, ayaa ku dhawaaqay lacagtaan, isaga oo matalaayay Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Canada.

Axmed Xuseen, ayaa wuxuu sheegay in muhiimada aysan aheyn in la gurmado xilliga ay dhacdo abaarta oo dadka ay dhibaatoobaan, balse ay tahay xilli kasta in shacabka Somaliyed loo gurmado.

“Muhiimada ma’ahan marka ay dhacdo abaarta in loo gurmado shacabka Somaliyed, balse xilli kasta loo baahan yahay in loo gurmado shacabka Somaliyed.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka Canada ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dowladda Federalka Somaliya inay safaaradeeda ka furato dalka Canada, si xiriirka labada dowladood uu u noqdo mid wanaagsan.

LEAVE A REPLY