SHARE

Qarax gaari ayaa saaka wuxuu ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmadaasi.

Gaarigan oo waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen, islamarkaana la ogaaday ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu lahaa nin ka shaqeeya laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliya.

Gaariga ayaa wuxuu yaalay xaafada loo yaqaan Unisheefta Degmada Waaberi, waxaana halkaasi ugu tagay markii xogta qaraxaasi la ogaaday Taliye ku xigeenka Degmada Waaberi.

Iyadoo lagu guda jiro hubinta qaraxa gaariga ku xiran, sidoo kalena dadka looga digay inaysan u dhawaan gaariga ayaa mar kaliya uu qarxay gaarigaasi, waxaana sidaasi ku dhaawacmay Taliye Ku xigeenka Ciidamada NISA ee Degmada Waaberi.

Sarkaalka dhaawacmay ayaa waxaa lagu magacaabaa C/qaadir Maxamed Cali, waxaana dhaawaciisa loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa gaarigan ku xirnaa ayaa la sheegay inuu yahay nooca Somalida ay u taqaan dhajiska ee gaadiidka lagu xiro.

LEAVE A REPLY