SHARE

Sida la filaayo maanta oo Isniin ah, waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya, xilkaasi oo ah mid banaan.

11 Musharax ayaa u taagan u tartamida kursiga Banaan ee Afhayeenka Baarlamaanka Somaliya, iyadoo la gali doono loolan doorasho adag oo aan saadaalin laga bixin karin.

Musharaxaiinta xilkan u tartameysa ayaa waxa ay kala yihiin Ibraahim Isaaq Yarow, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Cali Sheekh Maxamed (Xaaji Cali), Saalim Caliyow Ibrow, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), Idiris Cabdi Dhaqtar, Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye, Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye iyo Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa xaqiijiyay in maanta ay dhaceyso Doorashada, ayna rajeynayaan in si wanaagsan ay ku qabsoonto.

Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka Somaliya ayaa si wayn loo adkeeyay, iyadoo Barxada taalada Sayidka la soo dhigay gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Amisom oo amniga si wayn kaga qayb qaadanaayo.

Isgoyska Dabka ayeey wadada ka xiran tahay illaa Sayidka halkaasi oo gaadiidka rayidka loo diidaayo, waxaana jirta in ciidamada Booliska ay xiraan xayndaabka xarunta Golaha Shacabka Somaliya.

LEAVE A REPLY