SHARE

Tan iyo markii uu fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabelle oo ay dad badan ka barakaceen gudaha Magaalada Baladweyne ee xaruunta Gobalka Hiiraan ayaanan jirin wax qabad ay la yimaadeen Maamulka Hirshabelle oo u muuqda mid isku darsaday tabar la’aan iyo hagar ku aadan Shacabka Gobalka Hiiraan.

Inkastoo arintan ay tahay qadar alle hadana majirto Masuuliyad uu Maamulka Hirshabelle ka muujiyay arrintan ,hogaamiye waare iyo Madaxda kale ee Hirshabelle ayaa u muuqda in ay Maamulaan oo kali ah Gobalka Shabeelada Dhaxe maxaayeelay waxa uu Maamulka Degan yahay Jowhar ,xitaa Deegaano katirsan Gobalka Shabeelada dhaxe ma owoodo in uu kataliyo.

Maamulka Hirshabelle ayaa qeylo dhaan aan dhaafsiisaneyn afka u diray Dowladda Dhaxe iyo Shacabka kale ee ka soo jeeda Gobalka Hiiraan ,taasna waxa ay u muuqataa (qowda maqashii waxna ha u qaban)

Ugu danbeyntii waxaa haboon in dad ka ku nool Gobalka hiiraan ay isku tashtaan oo aysan sugin Maamulka Hirshabelle oo ah Maamul ka taliya Qeybo kamid ah Gobalka Shabeelada Dhaxe.

LEAVE A REPLY