SHARE

Puntland ayaa sheegtay Imaaraadka Carabta inay muwaadiniinta Somaliyed u fududeeyeen dalka ku galka Imaaraadka, iyadoo ganacsato badan oo Somaliyed ganacsi kala duwan ay u tagaan dalkaasi.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa sidaasi lagu sheegay, waxaana loogu mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta oo la sheegay door wanaagsan oo fududeyn ah inay arrintaan ka qaadatay.

Somaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka dhex taagan khilaaf diplumaasiyadeed oo ka dhashay arrinta Shirkadda DP World ee Dakadda Berbera iyo lacag dowladda Somaliya ay ku qabatay Garoonka Aadan Cadde, xilli Somaliya ay ka jirtay xiisad siyaasadeed oo kacsan.

LEAVE A REPLY