SHARE

Al Shabaab ayaa la sheegay inay noqotay Kooxda ugu dilka badan Qaaradda Afrika, marka laga hadlaayo Ururada Jihaadiga ah ee ka dagaalama, sida ay sheegtay warbixinta hey’adda African Centre for Strategic Studies ee laga leeyahay Mareykanka.

Warbixinta Hay’addan ayaa lagu sheegay in Al Shabaab sanadkii 2014-kii ay dileen dad gaaraya 4,000 qof, tiradaasi oo ah kuwa aad u badan marka loo eego Ururada kale iyo dilalka ay gaystaan.

Sida ay warbixinta sheegeyso, Al-shabaab waxaa kor u qaadeen dilka marka la bar bardhigo sanadkii ka horreeyay ee 2015-ka, tiro ahaan 2015 waxaa ay dileen 3,046  halka 2016-kii lagu sheegay  4,281.

“Al Shabaab waxaa ay dilka ugu horreeyaan kooxda Boko Haram, iyaga oo noqday kooxda ugu dilka badan Islaamiyiinta.” sidaasi waxaa qortay Hay’addan Mareykanka ah.

Kooxda  Boko Haram hoos ayey u dhaceen dilalkooda, 2015-kii waxaa ay dileen 11,519 halka 2016kii ay dileen 3,499.

Al-shabaab sanadkii tagay ee 2017, waxaa ay sidoo kale qaraxyo ka geysteen magaalada Muqdisho, waxayna dileen tiro dad ah oo siyaabo kala duwan qaraxyadaasi ugu geeriyoodeen.

Inta ugu badan Shabaab dadka waxa ay ku laayaan qaraxyada culus ee ay ka fuliyaan goobaha ay joogaan dadka rayidka ah iyo ciidamada dowladda.

Sidoo kale Shabaab waxa ay gaystaan dilal qorsheysan oo ay la eegtaan shaqsiyaadka dowladda la shaqeeya iyo dadka ay u arkaan inay caqabad ku yihiin afkaartooda jihaadiga ah.

LEAVE A REPLY