SHARE

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Dhaahir Cismaan, ayaa sheegay dowladda Somaliya ay baareyso musuq maasuqa laga soo sheegaayo Imtixaanaadka ay qaado dallada Waxbarasdhada FPENS.

Xubno ka tirsan dalladan ayaa ardayda ka iibsaday Imtixaanaadkii Dallada ay diyaarisay, taasina waxa ay keentay in Suuqa uu galo Imtixaanka oo ardayda qaab qish ah u helaan.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Somaliya ayaa sheegay inuu maqlay wararka la xiriira musuqa ka jira Imtixaanaadka, wuxuuna cadeeyay in arrintaasi baaris ay ku sameyn doono Wasaaradda si loo ogaado cidda amuurtaan ka dambeysay.

“Ka Wasaarada ahaan waan maqalnay wararka la xiriira in musuq uu ka jiro Imtixaanaadka, marka arrintaas waan baareynaa.” Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

Dallada Waxbarashada FPENS, ayaa si wayn ugu fashilantay qishka Imtixaanaadka oo ay bixisay dalladaasi, kadibna ardayda ay ku wadaageen Internet-ka.

Shaqaaqo ka dhalatay qishka Imtixaanaadka ayaa maalintii Isniintii waxa ay ka dhacday Iskuulaadka Degmada Dharkiinley, taasi oo sababtay in ardayda qaar xittaa ay ku dhaawacmaan intii ay dhigayeen ardayda banaanbaxa.

LEAVE A REPLY