SHARE

Waxaa sii kordhaya dilalka qorsheysan ee dagaalyahanada ka tirsan Daacishta Somaliya ay ka fulinayaan Magaalada Muqdisho, iyadoo dilkii ugu dambeeyay ee Daacish sheegato uu ka dhacay shalay Muqdisho.

Dabley hubaysan oo Daacish ka tirsan ayaa wiil dhalinyaro ah waxa ay ku dhex dileen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaan Suuqa Cabdalla Shideeye.

Warbaahinta Daacish ee lagu magacaabo Acmaq ayaa baahisay qoraal kooban oo ay ku sheegteen masuuliyadda dilka ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Daacish ma aysan sheegin ruuxa ay dileen wuxuu ahaa, balse waxa ay sheegeen kaliya hawlgal qorsheysan oo dagaalyahanadooda ay ka fuliyeen Suuqa Bakaaraha inay ku dileen shaqsi dhalinyaro ah.

Dadkii shalay arkaayay qaabka dilka uu u dhacay ayaa sheegay saddex nin oo laba ay hubaysan tahay dilka inay fuliyeen, halka ninka saddexaadna muuqaal uu ku duubaayay Moobeelka, sida dilka uu u dhacay.

Wiilka shalay lagu dilay Suuqa Bakaaraha oo gacan naafo ka ahaa, ayaa waxaa maydkiisa la geeyay Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska ee CID, maadaama illaa hadda aanan la ogeyn sabab loo dilay iyo wuxuu ahaa intaba.

LEAVE A REPLY