SHARE

Shaqaalaha Kaawada qoda ee u dhashay dalka Kenya ayaa isaga baxay Gobolka Waqooyi Bari Kenya iyaga oo ka cabsanaya in dilalka ku sii bataan.

Arrintan waxa ay ka dambeysay kaddib markii billowgii Bishan 4 ka mid ah shaqaalaha lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Ceelwaaq laba kalena la dhaawacay.

19 ka mid ah shaqaalaha Kaawada ka qodaayay Waqooyi Bari Kenya ayaa waxa ay gaareen Gobolka Nyeri oo ay ka soo jeedaan, waxaan ay sheegeen in aysan dib ugu laabaneyn deegaankaas.

Waxa ay intaas ku dareen in 100 ka mid ah shaqaalaha Kaawada ee u dhashay Gobolka Nyeri, lagu dilay Mandheera iyo agagaarkeeda sanadihii la soo dhaafay,waxaana ay sheegeen in Al-Shabaab ay aad u beegsato.

Xildhibaanka Gobolka Nyeri ee ay shaqaalahan u dhasheen ayaa markii ay shalay dib ugu laabteen Gobolka isaga oo la hadlaayay ku sheegay weerarrada ka dhanka ah dadkaasi Isir sooc lagu sameynayo dadka aan u dhalan Waqooyi Bari.

Ngunjiri Wambugu, oo ah Xildhibaanka matala shaqaalahan ayaa waxaa uu bixiyay qarashka ay uga baxeen Mandheera ee ay ku tageen Gobolkooda.

Cismaan Ismaaciil oo ka mid ah shaqaalaha ku laabtay Gobolka Nyeri ayaa difaacay go’aanka ay ka qaateen Kaawo ka qodidda Gobolka Waqooyi Bari waxaana uu shaki geliyay in ay ku laabtaan Gobolkaas.

Waxaa uu ku tilmaamay dilalka iyaga ka dhanka ah ee ka dhacay Gobolka in ay ahaayeen kuwo tartan Ganacsi la xiriira,maaddaama dadka u dhashay degaanka aysan Kaawada qodin.

LEAVE A REPLY