SHARE

Waxaan dhowaan Tv-ga Af Somaliga wax ku baahiya ee  SOMALI-CABLE uu baahiyay in Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex oo ku xanunsanayay Magaaladdda Mogadisho. kadib ayaa Tv-ga xaruntiisa muqdisho uu sameeyay socdaal uu ku xaqiijinayay cabashada abwaanka iyo sidii wax loo qaban lahaa waxaana xubno katirsan Tv-ga Somali Cable ay tageen    Ordigan Hospital Ex Digfeer Dhaqaatiirta Isbitaalkana waxa ay shegeen  in uu Bukaan-kan Isbitaalka  keenay Wasiir Caysane lana daweeyey baaritaano & dawooyin wanagsan la siiyey .

Dhanka kale Maamulka Hotelka uu Muqdisho ka daganyahay Abwaan Baarleex iyo xubna kale oo haatan gacanta ku hayo xaalada caafimaad ee abwaanka, ayaa Tv-ga Somali Cable u  xaqiijiyay in daryeelka abwaan baarleex uu haatan ka wanaagsan yahay sidii uu markii hore  ahaa markuuu Hargeysa yaalay lana geeyey tiro dhawr jeer dakhaatiir kala duwan iyadoo Wariyaal katirsan Somali Cable ay la kulmeen  kalkaaliyayaal caafimad oo si gaar ah ugu adeegayey abwaanka goobta uu deganyahayna  dhamaan Kharashka ku baxay daweynta iyo la tacaalidda Abwaanka waxaa bixiyay  Waziir Caysane.

Sido kale Abwaan Baarleex oo isaguna la hadlay Qalabka wax baahiyay ee Somali Cable  aya cudur-daar umuujiyay waziir ku xigeenka isaga oona sheegay in la marin habaabiyay uuna yahay qof xanuunsan.

Ugu danbeyn Waziir ku xigeenka Wazaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukumadda Somaliya Xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane oo aan la xiriirnay aya sheegay in ay meel gaba gaba ah umareyso qorshaha la doonayo in abwaanka dibada loogu qaado, uuna u sameeyey Basabooro isaga iyo gabar uu dhalay oo raacaysa ,Abwaanka oo hargeysa uga soo baxay GO HOME Document wuxuuna rajo fiican ka muujiyay “in dhowaan ay so gabagaboowdo qorshaha dibada loogu qaadayo Abwaan baarleex laguna soo daweyn doono dalka Turkiga hadii alle idmo waxaana loo diray abwaanka waraaqihiisa caafimaad Hospitalada dalka Tukey oo hadda jawaab laga sugayo kadibna Visaha la siinayo” ayuu yiri Wasiirka xilli uu lahadlayay Tv-ga Somali Cable.

LEAVE A REPLY