SHARE

Afar ruux ayaa lagu soo waramayaa inay koronto ku dishay Degmooyin kala duwan oo ka tirsan Gobolka Banaadir, xilli roob xoog leh uu ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Degmada Hodan iyo Degmada Waaberi, ayaa lagu soo waramayaa dad kala duwan inay ku dhinteen oo ay qabatay Koronto, islamarkaana dadkaasi ay waayeen wax gurmad ah.

Saddex ruux ayaa ku dhintay nawaaxiga Xaafadda Xaaji Baasto ee Degmada Hodan, dadkaan dhamaantood Koronto ayaa dishay sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Ehelada marxuumiinta dhintay ayaa waxa ay u dacwo tageen Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Somaliyed ee CID si ay dacwad ugu soo oogaan Shirkadda leh Korontada dhibaatadan gaysatay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale ay jiraan dad kale oo Koronto ay ku qabatay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, laakiin gurmad ay heleen, kadib iyaga oo garaab ah halkaasi laga qaaday.

Shirkadaha Korontada Magaalada Muqdisho ayaanan jirin cid la xisaabtanta, maadaama masuuliyad daro ay tahay Korontada Fiilooyinkoda oo aan hagaagsaneyn in Magaalada ay dhexmariyaan.

LEAVE A REPLY