SHARE

Nabadoonada deegaamada Puntland ayaa caawa farriin u diray shacabka magaalada Boorame kadib markii Faysal Cali Waraabe shacabka magaaladaasi maanta ka codsaday inay il gaar ah ku eegaan ardayda reer Puntland ee wax ka barta Boorame oo uu sheegay inay xitaa reer Hargaysa ka bateen.

Maamulka Soomaaliland ayaa ku dhawaaqay qorshihii ugu xumaa ee cadaawad ka dhex abuuraya bulshada ku hadasha afka Soomaaliga ee kunool mandaqadda geeska Africa.

Masuuliyiin katirsan maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay shacabka kunool magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ah dad jecel umadda Soomaaliyeed waxa ay ugu baaqeen inay indhaha kuhayaan ardayda reer Puntland ee ku sugan Jaamacadaha Boorame.

Masuuliyiintaan katirsan maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegeen in ardaydaan reer Puntland ay ka badan yihiin kuwa reer Hargaysa loona baahan yahay in ardaydu ay fiiriyaan ardayda reer Puntland taasi oo u muuqata in ardayda lagu kicinayo dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY