SHARE

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil gelinkii dambe ee maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, gaar ahaan aagga Isbitaalka Soos.

Rag hubeysan oo watay gaari ayàa gaari NOAH ah oo uu watay Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa degmada Yaaqshiid ku hor jaray gaaridooda, waxayna halkaasi ku dileen Guddoomiye Waaxeedka iyo askari ilaalo u ahaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay dilka kadib dableyda in gaariga ay ku dhufteen hub culus, kadibna uu hakaasi ku gubtay gaariga, intaasi kadibna ay baxsadeen.

Saraakiil dhinaca ammaanka ah ayaa inoo sheegay Guddoomiye Waaxeedka la dilay in lagu magacaabi jiray Cali Cabdi Geeddi, uuna maamuli jiray Waaxda Kowda Luulyo ee degmadaasi.

Maamulka degmada iyo Hay’adaha ammaanka ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano lagu raadinayo raggii weerarkaasi geystay.

Idaacadda Andalus ee taageerta Al-shabaab ayaa baahisay in dilkan ay ka dambeeyaan rag Shabaab ka tirsan, waxayna tilmaameen in sidoo kale ay dileen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Dilalka loo geysanayo masuuliyiinta dowladda, Askarta iyo shacabka ayaa tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan waxa ay ku kordheen magaalada Muqdisho, Hay’adaha ammaanka ayaa wada dadaalo ay kaga hortagayaan dilalka dhacaya.

LEAVE A REPLY