SHARE

Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ka badan 1.25 million oo carruur Soomaali ah la rajeynayo inay sannadkan la kulmaan Nafaq-darro ka dhalatay Daadadkii dhawaan waxyeeleeyeen qeybo ka mid ah Somalia.

Afhayeenka Guud ee QM, Stephane Dujarric oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda New York ayaa sheegay inay Hay’adda UNICEF sheegtay in kala-bar Carruurta ay da’dooda ka hooseyso 5 sanno oo u dhiganta in ka badan 1,25 million oo carruur ah khatar ugu jiraan Nafaqo-darro ku habsata sannadkan.
Waxaa uu intaasai ku daray inay 232,000 oo ka mid ah Carruurtaasi dhibaato kala kulmi doonaan Nafaqo-xumo aad u daran, isla markaana u baahnaan doonaan Daryeel Naf-badbaadin ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Guud ee QM waxa kale oo uu sheegay in Deegaano badan oo ay Daadadku saameeyeenuu ka dilaacay Cuddurka Jadeecadda, isla markaana la soo sheegay Kiisas la xiriira Cuddurka Shuban-biyoodka.

Dhinaca kale, Afhayeenka Hay’adda UNICEF, Christophe Boulierac oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladad Geneva waxa uu sheegay inay daadadka waxyeelo u geysteen Nidaamkii Biyaha, Adeegyadii Caafimaadka , isla markaana 33 Xarumaha Nafaq-siinta Carruurta oo lagu daaweynayo in ka badan 6,000 oo carruur la il-daran Nafaqo-daran.

LEAVE A REPLY