SHARE

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay geerida askari Mareykan ahaa iyo afar kale oo la dhaawacay, kadib markii xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku weerareen deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, ciidan isugu jira cadaan iyo Somali

Donald Trump ayaa marka hore tacsi u diray ehelada iyo qoysaskii uu ka geeryooday askarigaasi, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay afar askari kale oo iyaguna weerarkaasi lagu dhaawacay.

Hadal uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri “ Waan u duceynayaa qoysaska ay ka baxeen askariga lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Somaliya, runtii aad ayaan uga murugoonayaa, runtii waa geesiyaal, oo qaranka ayaa xusi doona.”

Illaa hadda lama oga Shabaab khasaaraha dagaalkaasi lagu gaarsiiyay, balse dagaalka ayaa wuxuu ahaa mid aad u culus oo si wayn looga dareemay deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 50-KM dhanka Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Deeganada Baar Sanguuni iyo Buulo gaduud ayaa waxaa ku kala sugan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Amisom, sidoo kale waxaa halkaasi jooga Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka, Mareykanka wuxuu Saldhig Militari ku leeyahay Magaalada Kismaayo.

Bishii May ayaa hal askari oo Maraykan ah lagu dilay tuulada Daara Salaam ee Shabeelaha Hoose, Askraigaasi ayaa noqday kii ugu horeeyay ee ciidanka Maraykanka looga dilo Somaaliya tan iyo sanadkii 1993-kii xiligaasi oo la soo riday diyaaradii ciidamada Maraykanka ee nooceedu ahaa Black Hawk.

LEAVE A REPLY