SHARE

Shacabka Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa saaran cunaqabateyn ay saartay dowladda Federalka Somaliya, kadib markii la kala xiray wadooyinka iyo jidcadyaasha dhexmara xaafadaha Magaalada gudaheeda.

Wadooyinka Muqdisho ayaa lagu arkayaa hooyooyin gacanta haya carruurtooda, kuwaasi oo u kaxeynaya Suuqa, islamarkaana lugeynaayo, waxayna taasi muujinaysa sida dowladda ay u kala xirtay wadooyinka.

Gaadiidka rayidka iyo Mootooyinka Bajaajta Magaalada gudaheeda ayaa ku shaqeynaya qaab kala wareeg ah oo suuragal ma noqonayso in gaadiidka ay toos kuu geeyaan halkii aad rabtay, waxaana macquul ah saddex mooto inaad raacdid, adiga oo maraya wado kala wareeg ah.

Wadooyinka Muqdisho ayaa la soo dhigay ciidamo aad u badan oo ka tirsan kuwa SAMMA ee dowladda ay u xil saartay suggida ammaanka Magaalada Muqdisho.

Inkastoo ay jiraan qataro dhanka ammaanka ah oo ku aadan falal Shabaab ay ka gaystaan Magaalada gudaheeda, ayaa haddana dowladda waxa ay muujisay sida aysan ugu tureyn shacabka, kol haddii laga xirtay wadooyinkii xaafadaha dhexmaraayay xittaa la xiray.

Ciidamada dowladda oo aanan si wanaagsan ula dhaqmeyn Bulshada, ayaa taasi sii dheer, waxayna sii cuslaynaysa xaaladda adag ee ka taagan Magaalada gudaheeda, xilli dadka isku diyaarinayaan maalmaha ciidda.

LEAVE A REPLY