SHARE

Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ayaa banaanbax ballaaran waxa ay ku dhigayaan Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay isugu yimaadeen boqolaal dhalinyaro ah oo wata Mootooyinka.

Gabi ahaanba waxa ay xireen isu socodka gaadiidka wadada KM4 waxa ayna halkaasi ku qaylinayaan erayo ka dhan ah xirnaanshaha wadooyinka qaar ee Magaalada.

Ciidamada ammaanka ayaa wadooyinka qaar ee Magaalada xiray, halka wadooyinka qaarna ay yihiin kuwa furan oo shaqeynaya.

Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta oo banaanbaxooda uu socdo, ayaa ujeedkooda wuxuu yahay in loo furo wadooyinka xiran ee Magaalada gudaheeda.

Waxa ay sheegeen inaysan furi doonin wadooyinka illaa masuul ka tirsan dowladda Federalka Somaliya u yimaado.

Ciidamada ammaanka ayaa rasaas kor ugu ridaya wadayaasha Mootooyinka Bajaajta si ay u kala eryaan.

Bajaajleyda Muqdisho ayaa maalmaha ciida waxa ay shaqeystaan lacag badan, balse xirnaanshaha wadooyinka Magaalada ayaa saameyn wayn ku yeelatay.

LEAVE A REPLY