SHARE

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Axadii booqday deegaanka Gosha oo ay hawlgal ka wadaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka.

Madaxweynuhu waxaa uu tagay dhammaan deegaanadii ugu danbeeyay ee Shabaab laga saaray isagoo ciidamada geesiyaasha ah ku booriyay in ay u dhabar adaygaan halganka ay wadanka ku xoraynayaan.

Deeganada uu Madaxweynahu booqday kadib waxaa uu kulan la qaatay Sarakiisha hawlgalka hogaaminaysa isagoo amaanay sida ay howsha u wadaan isla markana loo baahan yahay in ay laban laaban dadaalka ay Shabaab kaga xoraynayaan deeganada Gobolka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wax walba oo taakulo ah loo dhamaystiray Ciidamada isla markana hada ay si hagar la’aan ah u gudanayaan howshii loo igmaday waxaana uu ugu baaqay dadka ku nool deeganada laga xoraynayo Al-Shabaab in ay Ciidamada soo dhaweeyaan oo ay garab istaagan.

Al Shabaab ayaa dagaalo culus waxa ay ku qaadeen deegaanka Baar Sanguuni oo Saldhig ay ku lahaayeen Ciidamada Jubbaland iyo kuwa

LEAVE A REPLY