SHARE

Waa markii ugu horeysay oo si wada jir ah Deeq lacageed loo gudoon siiyo Agoonta Wariyaashii Somaliyeed ay ka geeriyoodeen ,waxaana la’arkayay Caruur Agoon ah iyo Xaasaskii ay ka tageen Wariyaashii Somaliyeed ee Siyaabo kala duwan ugu geeriyooday Dalka.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa ay ka timid Xafiiska Warbaahinta ee Madaxtooyada Qaranka Somaliyeed ,waxaana lacagtan Gudoonsiinayay agoonta Gudi ka kooban Wariyaal iyo Sidoo kale Maamulayaal Warbaahineyd.

Abdulaahi Cusmaan Faarax oo kamid ahaa dad kii soo abaabulay arrintan ayaa Sheegay in Ujeedka Munaasabaddan ay tahay mid lagu iidsiinaayo Caruurta Agoonta ah ee ay ka dhinteen Wariyaashii Somaliyeed,wuxuuna intaas ku daray in arrintan ay dhiiro galin fiican u noqon doonto Dhammaan Wariyaasha Somaliyeed ,wuxuuna qalbiga gashanayaa in hadii uu dhinto la soo xusuusan doono.

Wariye Cabdi Riaaq Catoosh ayaa soo hadal qaaday hadal Naxariis ku beeray dhammaan Wariyaashii Somaliyeed ee Goobta ku sugnaa wuxuuna sidoo kale uu Gudiga ka codsaday in la joogteeyo taageerada loo fidinayo Caruurta Agoonta Warbaahinta ee aabayaashood ay geeriyoodeen iyagoo Warbaahinta ka shaqeynaya.

Cabdiraaaq Jaamac Cilmi Black Madaxa Xiriirka Warbaahinta Madaxabanaan oo Goobta ku sugnaa ahna Nin Wariya ah ayaa Tilmamaay Saameynta ay leedahay Dhibaatada soo gaarta Wariyaasha iyo waxa ay dareemi karaan Caruurta Agoonta ah ee waayay Abaayaashooda ,hooyooyinkood ama Saaxaibada Abaahihiis.

Ugu danbeyntii Cabdi Riaaq Catoosh oo ah Wariye katirsan BBC ayaa ka faala qaaday mid kamid ah Caruurtii Agoonta ah ee uu ka geeriyooday mid kamid ah Wariyaashii Somaliyeed muddo hal sana ah .

 

LEAVE A REPLY