SHARE

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa saaka duqeyn waxa ay ka gaysteen deegaankaasi.

Duqeyntan ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo laba ka mid ah yihiin kuwa xaaladooda ay liidato, halka ruuxa kalena dhaawiciisa uu fudud yahay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay duqeynta inay ka dhacday Xaafadda Muduleey ee dhanka Bari kaga aadan Magaalada Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

“Walaaloow saaka 7:00 Subaxnimo ayaa diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ku garaaceen degaanka Ceel cadde dad aan qaraabo nahay ayaa ku dhaawacmay laba ayaa xaaladooda liidataa oo wiil yar uu ku jiro.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

“Deegaanka Ceel cadde waxaa gacanta ku haayo Shabaab, marka suuragal waaye madax Shabaab ka tirsan inay duqeynta lala beegsanaayay, laakiin dad shacab ah ayaa waxyeelo kala duwan ay ka soo gaartay oo Isbitaalka la geeyay.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofkaasi ka midka ah dadka deegaanka.

Dowladda Kenya wali kama aysan hadlin duqeyntaan diyaaradahooda dagaalka ay ka gaysteen saaka deegaanka Ceel cadde ee Gobolka Gedo oo Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Al Shabaab ayaa sanadkii 2016-kii Bishii January waxa ay weerareen Xeradii ciidamada Kenyatiga ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde oo askar badan ay ku laayeen.

LEAVE A REPLY