SHARE

Xog gaara  ayaa sheegeysa in Xildhibaano Mucaarad ku ah Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay xalay ku kulmeen magaalada Muqdisho, iyagoona kulan xasaasi ah ka yeeshay Heshiisyada dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya iyo Booqashadii Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay Hotel ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xildhibaanada Damu-Jadiid, iyadoo ujeedkiisa uu ahaa in la abaabulo Olole looga hortagayo sidii Baarlamaanka uga soo horjeesan lahaa Heshiisyada dekada dalka loogu wareejiyay Dowlada Itoobiya.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya maadaama uu yahay sharci dejinta ay laga maarmaan tahay inuu fara galiso waxyaabaha dalka u horseedaya gumeysiga iyo Taariikh xumada.

Sidoo kale Kulanka intii uu socday waxaa la isku raacay in Kulanka Golaha Shacabka ee ugu horeeya marka uu furmo Kalfadhiga la horgeeyo kiiskan, iyadoo sidoo kale Xildhibaanada ay bilaabayaan abaabul ay ku badsanayaan tirade Mudanayaasha kasoo horjeeda heshiisyadan.

Si kastaba ha ahaatee tan iyo markii uu dalka yimid Ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxaa jawi siyaasadeed oo cusub galay Dowlada uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo Mucaaradka ku kacsanaa dowlada ay fursad weyn u heleen habab fudud ay ku dhaleeceyn karaan Siyaasadda Dowlada, waxaase la arki doonaa Ficilada ay la yimaadaan dowlada iyo Mucaaradka.

LEAVE A REPLY