SHARE

Xili ay dadka Soomaaliyeed aad u hadal hayaan sii deynta Qalbi-dhagax ayaa lagu soo beegay furitaanka Ceeelasha Gaaska dabiiciga ah iyo Saliida eek u yaala dhulka ay ku muransanyihiin Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana fulinaysa mashruuca shirkad la yiraahdo Poly GCL Petroleum Group Holdings Limited oo laga leeyahay dalka China.

Inta ay munaasabadda socotay waxaa la soo saaray saliid tijaabo oo ay isku sawireen madaxda DDSI, Males Alemu oo ah wasiirka Kheyraadka dabiiciga ah ee dalkaas ayaa sheegay in ay tani tahay rajadii 100 sano Ethiopia lahayd oo maanta rumowday, lakiin wuxuu meesha ka saray inuu jiro muran gabi ahaanba ku jiran lahaanshaha dhulkaas ee ay labada dal ku soo dagaalamayeen mudo aad u badan, walina an laga gaarin xal Siyaasadeed iyo sharci midna.

2013-kii ayaa qoditaanka Gaaska dabiiciga ah iyo Saliida ee dhulka Ogaden laga bilaabay aaga Kaluu ee ku yaala Degamada Haarcad ee Gobolka Qoraxey, lakiin madaxda Ethiopia waxaa ay xiligaas Saxaafadda u sheegen inay shaqada ceelasha bilaaban doonto 2017-ka, waxaana lama filaan noqotay furitaanka soosaaridda Saliida. Mudadaaas dadka deegaanka ku nool waxba ma aysan ogaan Karin sababtoo ah waxaa xoolo dhaqatadii laga mamnuucay aagga ceelasha in ka badan 40KM.

Madasha waxaa lagu soo bandhigay Seddex Ceel oo ku diyaar ah 150 barels, guud ahaan waxaa la qiyaasay in 6 ilaa 8 trillion cubic maters ah oo ku jiro halkas, kali ah waxaa deeganka lagu xidhay dhuumo qaada Gaaska dabiiciga ah oo toos u geynaya Djibouti, Wax soo saarka maalinlaha ah ee ceelashaas ayaa lagu sheegay 90 tons.

85% waxaa ka shaqaysanaya qowmiyadaha Ethiopia gaar ahaan Ciidamada, waxaana faa’iidada 48%  iska leh Shirkadda soosaaraysa shidaalkan, waxaan wali cadayn saamiga Deegaanka Soomaalida ee laga soo saarayo shidaalka, xitaa waxaan wali cadayn magdhowga sharciga ah ee uu yeesho deegaan walba oo laga qodo Gaaskan dabiicig ah, marna waxaan jirin rajo badan oo ah in degaanku shaqaale badan ku yeesho ceelasha waayo saliidda waxa tubooyinka lagu xidhay ay ka soo saarayaan dhul xeebeed Ethiopia laga siiyay Jibouti.

Dastuurka Ethiopia wuxuu qorayaa in loo simanyahay dhamaaba kheyraadka dalka, waxayna arintan mugdi gelin kartaa in uu degaanka Soomaalida ku yeesho dhaqaalaha saami gaar ah maadaamaa laga soo saarayo dhulkiisa, waxaase jira kulan lagu balansanyahay Addis Ababa oo looga doodi doono arimahan, sida aan ka helay ilo xog-ogaal ah. 100 Milion oo itoobiyaan ah kana kooban 85 qowmiyadood ayay riyo macaan ku dhaliyay Gaaska iyo Saliida Soomaalida.

Istaraatiijiyadda Qaran ee Soomaaliya waxaa ay aheyd mid ku salaysan raadinta gobol kasta oo ka maqan dalka Soomaaliya, sidaa darted Soomaali galbed ama Ogaden wuxuu ka mid ahaa dhulalka ay isku hayaan dalal Soomaliya iyo Ethiopia, waxaana ceelashan la qodayaa xili ay dowladnimada Soomaaliya ee maanta jirta ku faantay inay tahay tii ugu wadaniyadda badneyd, isla markaana heshiisyo  la gashay Ethiopia iyada oo aan aragti wanaagsan ka layn geediga siyaasadeed ee Ethiopia ku aadan geeska Afrika, tani waxay ka dhigantahay in Soomaaliya ay ka tanasushay sheegashadii dhulka Soomaali galabeed, haddana ay ka baqdin qabto in lagu qabsado lahaanshaha xeebaha iyo dekedaha dalka!.

Qiimeynta caalamiga ah ee la xidhiidha soo saaridda kheyraadka Gaaska iyo Saliidda waa mid khilaafsan in la soo saaro kheyraadka dhul aan u sugnayn mulkiyadiisa dowladda maamusha, sida dhulka lagu muransanyahay oo u baahan afti iyo cod laga qaado dadka si uu kheyraadkaas wadan gaar ugu yeesho, ama in labada dowladood sameeyaan heshiis suura geliya isticmaalka kheyraadkaas, laakiin labadaas midna kuma  qotomo  shaqada ay haatan Ethiopia ka wado dhulka Soomnaalida.

Laakiin madaxda hogaaminaysa Ethiopia waxaa ay ku soo koobeen kalmad siyasadeed oo cajiib ah, taaso ah: in la iska Illaawo wixii shalay la isku hayay iyo wixii dhacay!, waxayna shaqsiyaad diriray ka soo qaadeen Siyaad bare iyo Mingiste iyadoo Ethiopia meesha ka saaraysa qadiyaddiyadihii-qaran ee labada dal dhex taalay, kuna salaysnayd dhulka ay haatan qodatay!, Waxaase su’aal ah haddii uu hadalka ka iman lahaa Soomaaliya miyay Ethiopia Qaadan lahayd?.

W/Q: MAHIR JAMA ADAM

LEAVE A REPLY