SHARE

Dhawaan magaadda Kampala ee wadanka Uganda waxaa ka furmi doona tartan kubadda cagta ah oo u dhaxeeya caasimadaha 18-ka gobal ee Somalia.

Xildhibaan Mustaf Shiikh Cali Dhuxuloow oo ah mudane ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa qalab sports iyo lacago ugu deeqay dhallinyarada ku ciyaareysa magaca Muqdisho iyo midka Dhuusamareeb.

Wariye Abdullahi Osman Farah oo howlo shaqo u jooga Kampala ayuu xildhibaan Mustaf u wakiishay inuu labbada koox gaarsiiyo qalabka iyo lacagta. Munaasabad shalay ka dhacday Kampala ayey labbada koox ku gudoomeen dhiiri-galinta xildhibaan Mustaf Dhuxuloow.

Dhallinyarada ku ciyaareysa magaca Muqdisho iyo magaca Dhuusamareeb ayaa xildhibaanka uga mahad celiyay dhiiri galintiisa wanaagsan ee uu mar walba la garab taagan yahay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qofkii Sportiga caawiya, wuxuu caawiyay nabadda iyo is aaminada bulshada.

LEAVE A REPLY