SHARE

Amiirka dalka  Qatar,  Sheekh Tamiim Bin Xamaad Al-thaani iyo Ku-xigeenkiisa, Amiir Sheekh C/llaahi Bin Xmaad Al-thaani waxay Khadka Telefoonka kula soo xirireen Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Faramaajo, iyagoo ugu hambalyeeyey Munaasacadda Maalinta Xorriyadda Qaranka Somalia oo shalay loo dabaal-degay.

Sidoo kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Sheekh  C/llaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al-thaani waxa uu Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo ugu hambalyeeyey Dabaaldegga Munaasbadda Maalinta Xorriyadda Qatanka Somalia.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Barlamaanka dalka Kuweyt, Marsuuq Al-qaniim waxa uu Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Guddoonka Labada Gole ee Barlamaanka Somalia, Munaasbaadda Maalinta Xorriyadda Somalia ee 1-da Luulyo.

Guddoomiyaha Barlamaanka Kuweyt waxa uu la soo hadlay Guddoomiyayaasha Barlamaanka Federalka, Maxamed Mursal C/raxmaan iyo Aqalka Sare ee Senedka, Cabdi Xaashi C/llaahi, wuxuuna ugu hambalyeeyey Munasabadda Maalinta Qaranka Somalia ee 1-da Luulyo.

LEAVE A REPLY