SHARE

Dabley hubaysan ayaa goor dhaw askar ka tirsan ciidamada dowladda waxa ay ku dileen xaafada Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid.

Rag hubaysan ayaa toogtay laba askari oo ka kala tirsan ciidanka xasilinta iyo ciidanka Minisbiibiyada ee canshuuraha qaada.

Dableyda hubaysan ee raggaan toogatay ayaa waxa ay wateen bistoolado, waxayna dhawr xabadood ku kala dhufteen ciidamada ka tirsan dowladda.

Qof arkaayay markii dilka uu dhacay ayaa Dhacdo.com u sheegay in kooxihii dilka gaystay ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen labada askari ee ka tirsaneyd ciidamada dowladda.

“Walaalow meeshaan dil ayaa ka dhacay rag bistoolado watay ayaa dilay laba askari oo mid ka mid ah ka tirsanaa ciidamada xasilinta loo yaqaan, midka kalena wuxuu ahaa minishiibiyo waana ay baxsadeen nimankii dilka gaystay” Ayuu yiri qof ka mid ah dadkii arkaayay.

Muqdisho ayaa xalay illaa maanta waxaa lagu dilay saddex ruux oo laba ka mid ah yihiin ciidamada dowladda, halka ruuxa kalena uu ka tirsanaa ergada.

LEAVE A REPLY