SHARE

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beledweyne, Ciidamada Hay’adda Nabad suggida iyo Sirdoonka Qaranka qeybtooda ka howlgalla Magaalada Beledweyne ayaa saaka xabsiga dhigay Wariye ka tirsanaa Idaacadda Codka Hiiraan.

Warkan waxaa shabakadda Dhacdo.com u xaqiijiyay maamulka Idaacadda, waxaana wariyaha la xiray lagu magacaabaa Cabdishakuur Maxamed Xasan.

Wariyaha ayaa isaga oo magaalada meel ka mid ah jooga mar qura waxaa gacanta ku dhigay ciidan hubeysan, waxayna ula dhaqaaqeen mid ka mid ah goobaha baarista, si su’aalo kala duwan loo weydiiyo.

Qaar ka mid ah Wariyaasha ka howlgalla Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in wariyaha Ciidamada ay ku heystaan war uu maalmo ka hor baahiyay.

Ururada warbaahinta iyo wariyeyaasha ka ka hawlgala magaalada Beledweyne ayaa wada dadaalo ay ku raadinayaan sidii xuriyadiisa uu dib ugu heli lahaa wariye Cabdishakuur.

Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle oo shalay war qoraal ah soo saartay ayaa waxa ay Wariyeyaasha ka hawlgala degaanada Hirshabeelle uga digtay inay baahiyaan wararka xasaasiyadda leh, iyaga oo aanay kala tashan Maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY