SHARE

Waxaan kamid ahaa tiro-wariyaal ah oo ay taba-bar u qabatay Wasaaradda arrimaha gudaha ,waxaana noola sheegay in taba-barkaas uu quseeyo bahda Warbaahinta Somalia ,laakiin ka qeyb galayaashii waxaa lagu ballamiyay mid kamid ah hoteelada Muqdisho ku yaala .

Taba-barka ayaa bilowday saacadda marka ay aheyd 10:00 Subaxnimo inkastoo 9:00 lagu ballan-sanaa waxaa la keenay rag bartay arrimaha Sharciga oo iyagu sheegayay in ay diyaariyeen  Sharciga Doorashooyinka 2020 .

Marka laga soo tago hanaanka loo soo abaabulay taba-barkaas waxaa ii muuqday in ay jireen qaladaad badan oo u muuqday in waxbadan laga fekirin,mana jirin in arrimihii ugu muhiim-sanaa halkaas lagu soo bandhigo.

Waxyaaba ilaa hadda ay isweydiinayaan Wariyaashii taba-barkaas ka qeyb galay waxaa kamid ahaa in ka qeyb galayaashii markii uu taba-barka u soo gaba-gaboobay in aan la siinin Shahaado cadeyneysa in ay soo qaateen taba-bar ku saabsan tabinta doorashooyinka .

Mar hadii aan qaadan wax shahaado ah ,waliba dhammaan ka qeyb galayaasha waxaa la’is weydiin karaa arrimahan soo socda.

  • 1: Dhammaan intii ka qeyb gashay taba-barkan ma aheyn kuwo si fiican u fahmay ,maadaama aan loo garan in wax aqoonsi ah la siinin.

  • 2:Mawasaaradda ayaa garan weyday in ay Shahaadooyin ay gudoonsiiyaan dad kii waqtiga badan soo galiyay ka qeyb galkooda.

  • 3:Mataba-barka ayaa ahaa mid qarsoodi ah oo aan la ogoleyn in aan la ogaan ,hadii ay taas jirtana maxey aheyd Sawirada laga qaadayay ka qeyb galayaashii.

Si,kastaba ha ahaateen arrintan ayaan fahmi waayay ,hanaanka ay Wasaaradda ugu tala gashay iyo u jeedooyinka ay ka lahaayeen.

LEAVE A REPLY