SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xilka ka qaaday Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin Xuseen, kadib warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiskiisa.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa si toos ah uga aqriyay Warbaahinta dowladda wareegtadada xilka looga qaaday Wasiirka Awqaafta.

Xilkaas Waxaa si KMG ah u sii hayn doona wasiiru dowlaha Wasaaradaasi Mudane Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashkir sida uu sheegay Wasiir Daahir Geelle.

Waa Wasiirkii Labaad ee xilka laga qaaday ee Wasaaraddaasi soo mara tan iyo intii uu xilka qabtay Ra”iisul Wasare Kheyre.

Xasan Macallin Xuseen oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xilkaasi waxaa loo Magacaabay 24-May ee Sanadkan 2018-ka, wuxuuna xilkan hayay wax ka yar 45 maalmood.

LEAVE A REPLY