SHARE

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa loo xiray baaritaanka la xiriira sida Shabaab ay ugu suuragashay inay weeraro ka gaystaan Xarumaha Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo Amniga Somaliya.

Ilo wareedyo ayaa Dhacdo.com u sheegay inuu socdo baaritaan xoog leh oo la xiriira habka suurtagalnimada weerarkaan uu u dhacay, iyadoo Magaalada la wada dhigay Koontaroolo gaadiidka lagu baaro.

Saraakiisha illaa hadda la xiray ee la og yahay waxa ay kala yihiin Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada NISA.

Saraakiisha la xiray waxa ay taliye unugyo ka ahaayeen Koontaroolada Ciidamada ay joogaan ee ku kala yaallo Suuq yaraha Sayidka iyo Dalcadda Sayidka, waxaa kale oo la xiray Taliye Unugyaal joogay Koontaroolo kale oo ay soo mareen labada gaari ee qaraxyada lagu fuliyay.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir ayaa amray in la xiro Saraakiishaan, maadaama baaritaan lagu haayo sida falka uu ku dhacay.

Illaa hadda waxaa isweydiinta ay tahay sababta loo celin waayay ragga hubaysan ee gaadiidka watay, iyaga oo soo maray baro ciidanka ay joogaan oo gaadiidka lagu baaro.

Madaxda dowladda Federalka Somaliya gaar ahaan Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa aad uga carooday falka weerarka ah ee Shabaab ay ka fuliyeen xarumaha Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha gudaha.

LEAVE A REPLY