SHARE

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay ciidamada Amisom ee ku sugan Koonfurta Somaliya inay ku guuleysteen waxyaabo badan.

Shariif Xasan, ayaa wuxuu sheegay ciidamada Amisom ee jooga Magaalada Baydhabo inay ku guuleysteen tababarida ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo ka hortagay Magaalooyin badan oo Shabaab habeen kasta soo weerari jireen.

Wuxuu tilmaamay ciidamada Amisom inaysan ku guuleysan hal arrin, taasi oo ah inay awood u waayeen isku furida wadooyinka ay go’doomiyeen Shabaab.

“Degmooyinkaan ciidamo ayaa loo tababaray, aad ayaan ugu mahadcelinaynaa Ciidamada Amisom, gaar ahaan ciidamada Itoobiya iyaga ayaa noo tababaray, Degmooyinka jidadka inay furaan waa ay ku guuleysan waayeen, laakiin waxa ay ku guuleysteen Degmooyinka habeen kasta la soo weeraray oo laga qaxaayay inay nabad ka  dhigaan, sida Magaalada Baydhabo.” Ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa rajo ka muujiyay in ciidamada Amisom ay ku guuleysteen isku furida wadooyinka ay go’doomiyeen Ururka Al Shabaab.

“Waxaan aaminsanahay jidadkaan toog ayeey u la’yihiin, waana ay ku guuleysan doonaan Insha Allah.” Ayuu yiri Shariif Xasan.

LEAVE A REPLY