SHARE

Wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inay ka tagtay diyaaraddii Turkish Airlines ee ka soo qaadi laheyd garoonka Brussels.

Ilo wareedyo kusugan garoonka Brussels ayaa noo xaqiijiyay in diyaarada Turkish ka tagtay wafdiga madaxweynaha waxaana qeyb ka ahaa wasiiro iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Sababta oga tagtay diyaarada Turkish ayaa lasheegayaa in ay tahay  in dib udhacayn waqtiga ay xaroon lahaayeen.

Warbixintaan ayaa ku darayso in wafdiga madaxweynaha dib loogu celshay garoonka ee ka daganayeen magaalada Brussels laguna wado in saacado kadib kasoo dhoofaan halkaas.

Wixii kusoo kordha wararkeyna danbe ayaa kula socon doontaan haduu Rabi Idmo.

LEAVE A REPLY