SHARE

 Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa si wayn waxaa looga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.

Boorar waaweyn oo lagu dhajiyay Magaalada gudaheeda ayaa lagu daabacay Sawirada Ra’iisul Wasaare Khayre iyo erayo lagu muujinaayo soo dhaweynta Wafdiga Xukuumadda ka socda.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliya ayaa la filayaa maanta ama berri inay safar dhawr cisho qaadan doona ku tagaan Magaalada Garowe, kadibna ay booqdaan deegaano ka mid ah dhulka Puntland.

Khayre ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Garowe ka qayb gali doona xuska 1-da August oo ku beegan markii Puntland la aas-aasay, taasi oo ay ka soo wareegatay 20-sano.

Ammaanka Magaalada Garowe ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana Magaalada gudaheeda lagu arkayaa ciidamo kala duwan oo ka shaqeynaya ammaanka Magaalada.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Somaliya uu ku tagaayo Magaalada Garowe, waxaana Magaalada si wayn looga dareemayaa qaban qaabo sare oo ku aadan soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha dalka.

LEAVE A REPLY