SHARE

Wararka ka imanaya magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in qarax xalay fiidki ka dhacay magaalada Buuhoodle uu dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ismiidamain ah, waxaana lala begesaday baabuur ay saarnaayeen laba nin oo siyaasiyiin ah, kuwaas oo ka soo baxay masaajid oo ay ku soo tukadeen.

Labada nin ee lagu dilay qaraxan ayaa lagu kala sheegay Cabdifataax Maxamed Cali oo hore ula soo shaqeeyey dawladdii ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Khaatumo.

Dadka deegaanka ah ayaa dareen gaar ah ka muujiyay dhacdadan, maadaama deegaankaasi aan looga baran weerarada isqarxinta ah.

LEAVE A REPLY