SHARE

Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Yariisow ayaa  Bishii la soo dhaafay  3, wuxuu soo saaray amar ku saabsan in ganacsatada degan dhulka Jartiimooyinka ee Gobolka Banaadir inay uga guuraan muddo 30 cisho ah.

Waqtiga Yariisow uu qabsaday ee amarkaasi uu ku dhaqangalaayay ayaa ku ekeyd xalay saqdii dhexe, iyadoo maanta wixii ka dambeeya isha lagu haayo waxa ka dhaqan geli doono amarkaasi oo wali aanan dhaqangelin.

Gudoomiye Yariisow ayaa markii uu amarkaasi soo saaray, maalmo kadib u baxay safaro dhanka dibadda ah isaga oo Bishan July galay dhawr safar oo damaashaad iyo shaqo isugu jiray, kadib markii uu ka qayb galay Shirkii Brussels, kadibna uu tagay Sweden iyo London, halkaasi oo waqtiyo kala duwan oo dalxiis ah ku soo qaatay.

Su’aasha waxa ay tahay goorma ayuu dhaqan galayaa amarka Duqa Muqdisho ee ah in ganacsatada 30 cisho gudahood ay uga guuraan dhulka jartiimooyinka Gobolka Banaadir, si dib loogu soo celiyo gacanta dowladda hoose.

Xilligii Gudoomiye Yariisow uu qabanaayay Shirka jaraa’id ee amarkaan uu ku soo saaray, ayaa wuxuu ku sheegay ciddii ka soo horjeesata amarkaan in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadaayo.

Inta badan waxaanan dhaqangelin amarada ay soo saaraan Madaxda dowladda Federalka Somaliya oo si aanan ka fiirsi laheyn loogu deg dego, kadibna laga aamuso, marka arrimaha ay galaan meelo xasaasi ah.

Gudoomiye Yariisow ayaa horay u bur buriyay dhulkii la oran jiray Biyaazo Liibaro ee Barxadda Ceelgaabta, sidoo kale wuxuu bur buriyay dhulkii ay lahaayeen Ciyaaryahanada Jeenyo ee ku yaalay Degmada Yaaqshiid, balse waxaa la eegayaa amarka dhulka Jartiimooyinka iyo waxa ka dhaqangala.

 

LEAVE A REPLY