SHARE

Kooxo hubaysan ayaa saaka Xaafada Siisii ee Degmada Kaaraan, waxa ay ku dileen nin ganacsade ahaa, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dilkan ayaa waxaa fuliyay dabley bistoolado wadatay, kadib markii ay toogteen ninkaan ganacsadaha ah, xilli uu ku sii socday goob uu ka dhisanaayay laba guri oo laamiga ku dhaw xaafadda Siisii.

Dadka deegaanka waxa ay sheegeen ninka la dilay oo da’diisa ay u dhaxeysay 40 illaa 50 sano jir uu maalmahan ku hawlanaa dhismaha guryo uu leeyahay oo laba ah.

Illaa hadda lama oga dilkiisa cida ka dambeysay, inkastoo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa wajiyo badan leh oo macno kala duwan la isku dilo.

Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, lamana sheegin cid ay soo qabteen, balse maydka marxuumka ayaa waxaa halkaasi ka qaaday eheladiisa.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan dambe ku soo badanaya Magaalada Muqdisho oo ay fulinayaan dableyda hubaysan.

LEAVE A REPLY