SHARE

Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ayaa dilay laba nin oo saarnaa gaari yar oo nooca raaxadda ah, kadib markii gaarigan iyo gaari Cabdi bile ah oo ciidamada ay wateen ay isku rasaaseeyeen nawaaxiga Daarta Saybiyaano.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay ciidamada inay toogteen laba nin oo saarnaa gaariga, halka ciidanka uu soo gaaray dhaawac saddex askari ah, kadib markii ay israsaaseeyeen.

Saraakiisha Hay’addaha ammaanka ayaa sheegay gaariga inay ka shakisan yihiin oo loo dhawaan la’yahay, waxaana laga cabsi qabaa in gaarigaan qarax uu saaran yahay.

Goobta gaarigaan uu yaalo ayaa la xiray, waxaana jooga ciidamada Nabad Suggida dowladda Federalka Somaliya oo dadka u diidaya inay halkaasi tagaan.

Illaa hadda ma cadda ragga hubaysan ee gaarigaan watay waxa ay yihiin, maadaama wali aysan kala cadeyn Saraakiisha dowladda.

Magaalada Muqdisho ayaa Al Shabaab waxa ay ku dhex wataan gaadiid iyaga oo bartilmaameedsada ciidamada kala duwan iyo shaqsiyaadka dowladda ka tirsan.

LEAVE A REPLY