SHARE

Wararka hadda ku soo dhacay Warqabadka Jowharfm ayaa Sheegaya in Gaari ay saarnaayeen waxyaalaha qarxa in uu ku qarxay afaafka hore ee Maqaayadda Italiyan oo ku dhaggan Xaruunta laga bixiyo Baasaboorada Somalia.

Wali lama xaqiijin tirade Rasmiga ah eek u dhintay qaraxaas ,laakiin Wariyaal katirsan Jowgarfm oo hadda ku sugan halka uu qaraxa ka dhacay ayaa soo sheegaya in laba qof ay ku dhinteen dad kalana ay ku dhaawacmeen Qaraxaas.

Ciidamo katirsan Dowladda ayaa goobta gaaray oo hadda ku sugan ,waxaana suuragal ah in dhimashada aan sheegnay ay intaa ka badan karto wuxuuna qaraxa ahaa mid aad u culus oo laga maqlay Degmooyin katirsan Gobalka Banaadir.

Waxii war ah oo ku soo kordha kala soco Jowharfm Insha Allaah.

Qarax gaari loo adeegsaday ayaa goordhow ka dhacay afaafka hore Baar caan ah oo ku yaala Waddada Maka Al-Muka ee Muqdisho

Posted by Feysal Xaaji Cabdullaahi on Sunday, August 5, 2018

LEAVE A REPLY