SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay maanta oo Axad ah Wasiiro cusub oo ka mid noqonaya xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya.

Wasiiradan uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa isugu jira afar Wasiir, hal Wasiiru dowle iyo Wasiir Ku xigeen.

Digreetada ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa waxaa Saxaafadda u akhriyay Wasiirka Warfaafinta Somaliya Daahir Maxamuud Geelle.

C/laahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

Sheekh Nur Maxamed Xasan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta & Arrimaha Diinta

Xuseen Sheekh Maxamuud Wasiirka Xanaanada Xoolaha

C/laahi Bidhaan Warsame Wasiirka Kalluumaysiga

C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda

Shawaqar Ibraahin Cabdalla Wasiir Ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha.

LEAVE A REPLY