SHARE

Wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdigaan ayaa waxa ay ku sii jeedaan Magaalada Khartoum ee dalka Sudan, halkaasi oo la filaayo in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo xubnaha la socda ay kaga qayb galaan Shir.

Shirka ayaa looga hadlayaa arrimo la xiriira Nabadeynta Suudaanta Koonfureed iyo qaybsiga khayraadka ka dhaxeeya labada dowladood ee Suudaan..

Shirka oo ay garwadeen ka yihiin wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee halkaasi ka taagan.

Raiisul wasaare Xasan Cali Khayre inta uu joogo magaalada Khartoum ee xarunta Dalka Suudaan waxaa la filayaa in uu la kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha ku yaala dalkaasi.

LEAVE A REPLY