SHARE

Nuur Maxamed Xasan oo horay u ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa ayaa manta kamid noqday Wasiiro laga qaaday Wasaaradihii ay hayeen Islamarkaana loo dhiibay Wasaarad Cusub ,waana Wasaaradda ow-qaafta iyo arrimaha diinta ee xukumadda Somalia.

Sababta keentay Xil ka qaadistan ayaa ah in inta badan ay Wasiiradan qaban waayeen Shaqooyinkii loo dhiibay ,taas ayaana keentay in Wasiiradan laga qaado Xilalkooda ,waxaana Ra’isul wasaaraha uu sameeyay in Wasiir Nuur uu siisay fursad kale ,maadaama Wasaaraddan lagu tijaabin doono Shaqada uu ka qabo,waxaana Suuragal ah hadii Shaqadan Cusub ee Owqaafta iyo arrimaha dibadda uu ku fashilmo in Markale uu weyn doono Xilkiisa.

Horay ayaan u daabacnay in Sheekh Nuur laga yaabo in uu waayo Xilkiisa ,waxaana Warar aan ku kalsoonahay ay Sheegayaan in Sababta loogu dhiibay Wasaarad kale ay tahay in uu kamid yahay dad ka u dhow dhow Madaxweynaha Somalia ,waana midda keentay in fursad labaad la siiyo Wasiirkii hore ee Xanaanada xoolaha .

LEAVE A REPLY