SHARE

Waxaa sii kordhaya falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda, iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay Muqdisho iyo deeganada ku dhaw lagu dilay dad ka badan 10 ruux.

Haddii aan ku horeyno Magaalada Muqdisho gudaheeda shalay oo kaliya waxaa lagu dilay dad gaaraya 7 ruux oo isugu jiray shacab, ciidan dowladeed iyo Shabaab.

Dilalkii ugu horeeyay waxa ay dhaceen shalay barqadii, kadib markii meel ku dhaw Daarta Saybiyaano ay isku rasaaseeyeen gaari yar oo nooca raaxadda ah oo Shabaab ay wateen iyo gaari ciidan oo Cabdi bile ah.

Israsaaseyntaasi waxaa ku dhintay laba nin oo Shabaab ka tirsanaa, halka askartana uu ka geeriyooday hal askari, sidoo kalena laba kale ay ka dhaawacmeen.

Shalay Duhurkii weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay 2 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa ninkii Isqarxiyay ee gaariga waday, halka ruuxa kalena uu ahaa askari, inkastoo suuragal ay tahay Khasaaraha inuu intaasi ka badan yahay.

Shalay galab casir liiqii nin rayid ah oo gaari yar oo nooca raaxadda watay ayaa lagu dilay deegaanka Waydow ee duleedka Magaalada Muqdisho, lama oga cidda dilkiisa ka dambeysay.

Xalay fiidkii qarax loo adeegsaday gaari ayaa lagu weeraray maqaayad ay fadhiyeen dad ku caweynayay halkaasi, waxaana ku dhintay goobta afar ruux oo shacab ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo kale.

Tirada guud ee Muqdisho iyo hareeraheeda dad ee lagu dilay shalay waxa ay yihiin 10 ruux oo qaarkood ku dhintay qaraxyo, qaarna dagaal toos ah iyo qof dil qorsheysan lagu dilay.

LEAVE A REPLY