SHARE

Ururka Al Shabaab ayaa ku faanay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xalay fiidkii ay ku weerareen Maqaayadda Somali Coffee oo ku taallo wadada Maka Al-Mukarama inay ku dileen Saraakiil ka tirsan dowladda iyo Shaqaale Wasaaradeed

War ka soo baxay Shabaab oo laga sii daayay Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Shabaab, ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda qaraxaasi inay iyaga ka dambeeyeen, islamarkaana ay ku dileen xubno dowladeed.

Ka sokow hadalka Shabaab waxaa xusid mudan dadka meeshaasi ku dhintay inay ahaayeen dad shacab ah oo ku caweynaayay halkaasi, mana jirin qof dowladda ka tirsan oo qaraxaasi ku dhintay, maadaama dadka dhintay qaarkood ay ku jireen arday.

Tani waxa ay muujinaysa fashilka Shabaab ee qaraxyada ay qiilka ugu raadinaayay, maadaama dad shacab ah oo qarax ay ku laayeen ay ku tilmaameen inay yihiin Saraakiil dowladeed.

Gaariga xilliga uu qarxaayay ayaa waxaa la sheegay inuu maraayay laamiga, uuna u soo dhawaaday Maqaayadda Somali Coffee, halkaasi oo mar kaliya uu ku qarxay, waxaana si wayn qaraxaasi looga maqlay Magaalada gudaheeda.

Xoogaga Shabaab ayaa caado ka dhigtay bartilmaameedka goobaha maqaayadaha camiran ee dadka shacabka ah isugu yimaadaan Magaalada Muqdisho gudaheeda, iyadoo tani aysan aheyn markii ugu horeysay oo rayid ay ku laayaan goob maqaayad ah.

LEAVE A REPLY