SHARE

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa saaka dagan, inkastoo hubaanti la’aanta magaalada ka jirta ay horseeday in aysan shaqo tagin dad badan oo xafiisyada dawladda ka shaqeeya.

Qaar ka mid ah madax xafiiseed yada heer deegaan ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay guryahooda iska joogaan inta ay ka hubsanayaan xaaladda magaalada.

Maanta oo Isniin ah ayaa ah maalintii koobaad ee shaqada ka dib rabshadihii magaalada ka dhacay Sabtii ee burburka baaxadda leh gaystay.

Dhinaca kale Rabshado ayaa Dirdhabo ka dhacay Axaddii, kuwaas oo la sheegay in ay dabo socdeen kuwii ka horeeyay ee Sabtii ka dhacay magaalada Jigjiga.

Dad Soomaali ah oo daganaa Xaafadaha ay Oromadu ku badan tahay ayaa sheegay in ay guryahooda ka carareen ka dib markii la gubay guryo ay Soomaali lahayd.

Wasaaradda gaashaan dhigga ee dalka Itoobiya oo ka hadashay rabshadaha ayaa sheegtay in ay sugi doonto ammaanka shacabka iyo hantida dalka.

LEAVE A REPLY