SHARE

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, Shabaab ayaa xiray afar hooyooyin ah, kadib markii ay ka biyo diideen amarka masuuliyiin ka tirsan Shabaab.

Haweenkaan ayaa laga soo xiray tuulada Caliyaalo oo hoostagta Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, kadib markii ay si cad u diideen inay keenaan carruur laga dalbaday xilli hore.

Al Shabaab ayaa hooyooyinkaan waydiistay inay keenaan afar carruur ah oo lagu biiriyo dagaalyahanada Shabaab, si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah ee Shabaab dalka ay ka wadaan.

Hooyooyinkaan oo diidan in carruurtooda ay ku biirayaan Shabaab, ayaa si dhuumaaleysi ah ku diray ilmahooda oo ay gaari u saareen dhanka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, si ay uga badbaadaan Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa la sheegay markii ay ogaadeen arrintaasi in ciidamada ay ku baxeen tuulada Caliyaalo, kadibna shalay galab ay soo xireen afarta haweenka ah.

Haweenkaan ayaa ku xiran Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug, iyadoo ay socoto waan waanta la xiriirta sidii xabsiga looga sii dayn lahaa, maadaama ay yihiin hooyooyin.

Odayaasha deegaanka ayaa isku dayaya inay wada hadal la galaan madaxda Shabaab ee Gobolka Mudug, si xabsiga looga sii daayo hooyooyinkaan, inkastoo Shabaab ay doonayaan carruur.

LEAVE A REPLY