SHARE

Askar ka tirsan Ciidamada dalka Kenya ayaa lagu la’ yahay Qarax miino oo shalay lala eegtay ciidamo Kenyan ah oo maraayay lamu ee gudaha dalkaasi Kenya.

Kenya waxa ay xaqiijisay qaraxaasi inay kaga dhinteen 5 askari oo ka mid ahaa ciidan la socday gaariga Qaraxa miinada ah lala eegtay.

Saraakiisha u hadashay Kenya waxaa ay sheegeen in shan askari dhimatay, kuwo kale dhaawac yihiin sidoo kalena ay qaar kale maqan yihiin oo aan lahayn raq iyo ruux midna.

Sarkaal ka mid ah kuwa Kenya oo diiday in magaciisa la sheego ayaa sheegay in Ciidanka la qarxiyay ay saldhig ku lahaayeen deegaanka Bargoni, oo Sohdin la wadaaga Gaarisa, hayeeshee markii la qarxinayay ay Lamu u socdeen.

Sarkaal kale ayaa sheegay isla markii uu qaraxa dhacay in la xiray Nin jeebkiisa laga helay 10 Simikaar, taas oo kordhisay shakiga weerarkaas inuu isaga ku lug leeyahay ama uu ka dambeeyay.

Xildhibaanka laga soo doorto Bariga Lamu, Sharif Ali, ayaa tacsi u diray qoysaska Askarta Kenya ee ku dhintay weerarkaas, waxaa kale oo uu sheegay in baaritaan lagu sameynayo weerarkaas iyo cidda ka dambeysay.

Ciidamada Kenya ayaa dhibaato xoog leh waxa ay ku qabaan qaraxyada noocaan oo kale ah oo gaadiidka Ciidanka ay saaran yihiin lala eegto.

LEAVE A REPLY