SHARE

Dowladda Federalka Somaliya ayaa ka hadashay sababta ay ku taageertay dowladda Sacuudiga, xilli khilaaf dhanka diplumaasiyadda ah u dhaxeeyo labada dal.

War qoraal ah oo shalay ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Sacuudiga, islamarkaana ay ka soo horjeedo in fara gelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha.

Qoraalkaasi ayaa wuxuu ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliya , iyadoo Wasiirka arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad uu faah faahin ka bixiyay sababtii ay ku taageereen dowladda Sacuudiga.

Wuxuu sheegay Wasiir Cawad oo wareysi siinayay BBC-da inay Sacuudiga ku taageereen inaan arrimahooda gudaha aanan la fara gelin, si la mid ah sida ay arrimahooda gudaha ugu taageeri lahaayeen dalka Canada.

“Waa run waanu ku taageernay dowladda Sacuudiga inaan la fara gelin arrimahooda gudaha, si la mid ah sida aan arrimahooda gudaha ugu taageeri laheyn dalka Canada hadii la fara geliyo, marka mowqifka dowladda waa kaas, Sacuudiga waa dal aan walaalo nahay, marka ceeb ma ahan inaan go’aankooda ku taageerno, sidoo kale Canada waa dal aan saaxiibo nahay.” Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo uu ka mid yahay Wasiirka aarimaha dibadda Axmed Ciise Cawad oo warqada taageerada ay ka soo baxday xafiiskiisa ayaa waxa ay heystaan dhalashada dalka Canada.

LEAVE A REPLY